procida 2022

View Original

Dhaqanku ma go’doomo

somalo / la cultura non isola

Jasiirad waa dhul ka soo ifbaxa badda; badda baa jasiiradda ka ilaaliya oo ka sooca oo ka reeba qaaradaha oo dhulkoodu u muuqdo mid adag, baaxad leh oo ay ku soo dhaceen kumanaan dhacdo ah iyo geeddiyo, kuwaas oo dhulka hiiga oo kharriba oo ka dhiga wax gabow ah.
Dhulka jasiiraddu waa wax is beddela oo oodan. Dib baa loo degi karaa waana la dayactiri karaa. Waxay noqon kartaa adduun adduunka ka jira, oo leh xeerar u gaar ah. Waxaan ka fekernaa Atlantis, Utopia iyo jasiiradda Robinson Crusoe.

Immisa jasiiradood iyo immisa Utopia ayaa soo baxay oo sii quusay muddo ka dib? Faylasuufkii Jacques Derrida ayaa qoray: “Waa maxay jasiirad? Adduun dhan ma jiro, jasiirado uun baa jira”. Ka-fekerka jasiiradda ayaa inoo keenaya inaan dib uga fekerno adduunyada aan wax ka dareenno, jasiiraddu waxay noqoneysaa hoos-u-dhac iyo sarbeeb, mashruuc iyo kacdoon.
Jasiiraddu waa goob iyo qaab, haddaba. Astaameheedu muuqaal ahaaneed ma aha oo keliya astaamo juqraafi ah ama dabiici ah, waxay sidoo kale yihiin raadadka hiddaha iyo dhaqanka bani-aadanka. Taasi awgeed, jasiiraddu waa goob la xidhiidha sahminta, tijaabinta iyo aqoonta, waa tusaale dhaqammada casriga ah. Waxay ilaalisaa macnayaasha jiritaanka, haddana waxay ku lug leedahay hababka dhisidda iyo kala-saaridda qofnimada, ka tegidda iyo fogaanshaha, luminta iyo xidhiidhinta: jasiiraddu waxay biime u tahay kala-tegidda iyo seeridda. Jasiiraddu waa fursad u ah in wax la bilaabo oo wax dib loo aasaaso iyo in wax dib loo helo oo dib u soo nooleeyo, wax duug ah iyo wax cusub baana ku jira; jasiiraddu waa meel kale, waxay qarinaysaa khasnado ama waa meel loo baxsado oo ku habboon raadinta farxadda.

Ilikuwareertayda ayaa laga arkaa jasiiradda waana u muraayad wixii aynu nahay, waa qaabkii asalka ahaa oo ina ruxaya oo ina dhaqaajiya. Michel Tournier ayaa isbarbardhigay jasiiradda iyo garaaca wadnaha bani-aadanka iyo ballaadhinta iyo cidhiidhinta halbowlaha. Waa maageerka la sixray inuu wax xidho oo ilaaliyo. Waa meel nabadgelyo leh, iyadu lafteeduna waa meel dhammaystiran, waa ugxanta ifka ama waa janno. Jasiiraddu waa bu’da ilmaggaleenka ku daboolan, waa astaanta hooyada iyo “ku soo noqoshada uurka”: dhaqanka dheddigga / hooyada oo dib loogu tarjumay erayada hiddaha, waxayna bani-aadanka u keentaa aragti gaar ah. Soo dhoweyn, naxariis, dhowritaan, daryeel, hadiyad iyo xiriirka nolosha ayaa ah xaaladaha aasaasiga ah ee dhaqanka kala duwanaanshaha ee aan dooneyno inaan dadka kula wadaagno barnaamij-dhaqameedkayaga.
Jasiiradduse waa meel la maleeyo. Waa fikradda muuqata oo ka soo if-baxda meel aan la dhuuxi karin oo qoto-dheer oo mugdi ah oo noloshu ay ka buuxdo: “Jasiiraduhu waa sida fikradaha. Waa meelo aan la buuxin karin oo xiiso leh. Waa sida keydo oo kale, waxay soo qabtaan sheekooyin, dugsi ayayna u ahaayeen bani-aadanka tan iyo intii la tiriyay maansadii ugu horreysay ” (Maylis de Kerangal).

Jasiiraddu waa sawir, waa astaan, waa fikrad. Si kastaba ha ahaatee, waa meel la taaban karo oo nool, oo uu qulqulka xiriirradeedu sandulleeyo, isgoysyada imaanshaha iyo bixitaanka: “Waan ka tagnay, waanna nimid. Waxay isku casuntaa gudbidda badda hareeraysan iyo taabashada dhulal kale” (Jean-Luc Nancy). Jasiiradda, dhab ahaantii, waa la geli karaa; way furantahay.

Baadhitaanka jasiiradda khiyaaliga ah waxay muujisaa xididaha sheekooyinka soo-jireenka ah oo lagu dhisay fikradaha casriga ah oo caqli-gal ah; waxana sidoo kale lagu dhawraa wax kasta oo uu qofku u baahan yahay inuu dib u sharraxo iyo inuu diido: xiritaanka, dabinka, qarsoodiga lagu galiilyoodo.
Jasiirad waa boqortooyada lidka: furitaan/xiritaan, soo dhoweyn/ka eryid, xorriyad/xabsi, isku xirnaan/fogaansho. Fikradahani labalaabma ayaannu ku horumarin doonno mabaadi’da iyo barnaamij-dhaqameedka ee “Procida: Caasimadda Talyaaniga ee Dhaqanka” sanadka 2021. Waxaannu soo dhaweynaynaa fursadda la deeqsiiyay jasiiradda Procida inay noqoto meel lagu sii tijaabin karo aragtiyo laba cod leh, isdiiddooyinka joogtaysan oo u dhexeeya dareenka inuu qof ka tirsanyahay beel iyo inuu sheegto farqigiisa qofnimo ah.
Waaya-aragnimada ka muuqata jasiiradda Procida dhexdeeda iyo tan ka soo baxda jasiiraddii oo wehelisa oo hagta hannaanka murashax waxay soo saartaa khariidado muujiya xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka qodob qodob ahaan; meelna ma hayso jiritaan adag ee way is muujisaa oo waa la igtishaafaa. Jasiiradda iyo meeleheeda waxa ka soo if-baxa shaybaarro oo nolol maalmeedka, canaasiirta dabeecadda iyo soo-saarka fanka iyo dhaqanku ay aalado u yihiin mashruuca bini-aadanka oo soo kordhaya.
Mashaariicdu waxay leeyihiin laba heer. Mashruuca heerka koobaad wuxuu tilmaamaa hal-abuurka jasiiradda, sida uu u muuqdo iyo sida uu la xidhiidho wareegga nolosha, hiddaha iyo dhaqanka. Socdaalkanise wuxuu sidoo kale leeyahay aragti qoton ah: fikradaha horumarka, sayniska iyo tegnoloojiyadda ayaa bani-aadanka ku dhiga bartamaha xusuustiisa. Awood gaar ah ayuu leeyahay oo ah inuu ogyahay inuusan ahayn oo keliya qof maraya; wuxuuse ogyahay inuu meel ku degganyahay.


Martin Orwin